US: Nin hubeysan oo laba boolis ah ku diley New York

0

Laba ka tirsan ciidanka Booliska New York ayaa lagu diley isla magaaladaas gelinkii danbe ee shalay ee Sabtida.

Ninka weerarka qaadey ayaa isla maalintii Sabtida xabad ku dhaawacay gabadh saaxiibtiis ahayd magaalada Baltimore.

Kadib waxa uu gaarigiisa u kaxaystey magaalada New York, waxaana uu ku toogtey laba booliska ka tirsan kuwaas oo gaarigooda ku jirey degmada Brooklyn ee New York.

Madaxa Booliska New York Bill Bratton ayaa sheegay ninka dilka geystey ahaa mid Boolis nacayb uu ku jirey waxaana uu ku faafiyey Instagram sawiro iyo muuqaalo Booliska uu ku ceebaynayo, magciisa ayuu ku sheegay Ismaaiyl Brinsley oo 28 jir ah.

Sida laga soo xiganayo wakaaladda wararka ee AP, waxaa ninkaani tegey mid kamid ah xarumaha Metro-ga kadibna halkaas ayuu isku diley.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegaysa in ninkaani u argudaayey Eric Garner oo ahaa nin madow oo Boolisku ceejin (ceego) ku dileen bishii Luuliyo 2014.

Dadka madowga ah iyo kuwa u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda dadka ayaa si weyn uga caroodey dilal fool xun oo Booliska Maraykanku ka geystey gobolada New York, Ohio iyo Missouri, Booliskii dilalka geystey ayaa la sheegey in aan wax denbi ah loo haysan.

Arabsiyonews.com
New York office