Talooyin Muhiim Ah oo Ku Socda Qofka Ay Dibnuhu Qallalaan

0

Af-200x300-150x150Mushkilada afqalalka oo ay dad badan ka cabanayaan ayaa noqotay mushkilad caalami ah oo ay ka cawdaan dad badan oo ku kala nool daafaha caalamka haddaba
waxaa la ogaaday inay xal u noqon karaan dhowr qodob oo kala ah:
1:Cunista xanjada: waxa ay afka u keenaysaa dhareer ama qoyaan.
2:Ka fogaanshaha isticmaalka dawooyinka ilkaha ee alkoholoda leh: waayo waxay sababaysaa inuu afku qallalo.
3:Joojinta cabista sigaarka: Cabista sigaarku waxay qayb wayn ka qaadataa inuu afku qallalo’ oo aanu qoynaan. Taas oo ay sii dheertahaya caafimaad darrada kale ee uu keeno.
4:Biyo cabis badan:Cabista biyaha faraha badan ama la joogteeyo waxay afka u keenaysaa qoynaan.

 Ka neefsashada sanka: Qofku markuu neefsanayo waa inuu sanka ka neefsadaa oo aanu ka neefsan afka, waayo in afka laga neefsado waxay keenaysaa inuu engego afku ama qallalo.

5:Ka fogaanshaha cuntada ay cusbadu ku badantahay, iyo cabitaannada sokorta badan leh.
NB: Ogow in dhareerka ama qoyaanka afku uu caafimaad u yahay ilkaha, sidoo kale wuxuu afka ka difaacaa jeermisyada, intaa waxaa dheer inuu ka qayb qaato fududaynta liqidda cuntada waliba si fudud