Hargeisa(AN)Xukuumadaha Somaliland iyo Somaliya ayaa gaadhay heshiis ka kooban lix qodob oo ka soo baxay wada hadaladii u socday Somaliland iyo Somaliya eek a qabsoomay magaalada jabouti , waxanay u dhignaayeen sidan
In la dar dar galiyo wadahadalada labada dhinac, isla markaana wakhti lagu jaangooyo
Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah lagu dhiirado, lana fuliyo waxyaabihii hore loogu heshiiyey.
a) In laga dhawrsado wixii wadahadalada carqalad gelin kara.
b) In aan la siyaasadayn deeqaha aadminimada iyo mashariicda dib u dhiska walibana la dhiirigaliyo
c) In la fuliyo heshiiskii hawada iyada oo farsamo lagu saleynayo wixii lagu heshiiyey.
Labada dhinac waxay isla garteen in dawladda Djabuuti laga qeyb geliyo wadahadalada marka loo baahdo.
Labada dhinac waxay ku heshiiyeen ilaalinta xuquuqal insaanka, iskaashiga nabadgelyada iyo in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka arga-gixisada, nudhcad-badeedka iyo dembiyada abaabulan (otganized Crime).
In madasha tan ku xigta ee ay ku kulmayaan ergooyinka labada dhinac ee Somaliya iyo Somaliland ay noqoto 26-27 Febraayo ee 2015, laguna qabto magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga.
Waxay labada Madaxweyne ee Somaliya iyo Somaliland ay u mahadcelinayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo martigeliye wadahadalkan, ka dib markii ay labada dhinac sidaa ka codsadeen
Arabsiyo.net
Hargaysa Desk
Arabsiyomedia@gmail.com
























































