Mr. Nigel Farage oo ah Gudoomiyaha Xisbiga UKIP ee dalka Britain iyo Xildhibaan James Carver, oo ka mid ah Baarlamaanka Yurub, ayaa golaha Sharci-dejinta ee Midowga Yurub u soo bandhigay inay aqoonsadaan madax-bannaanida Somaliland.
Guddoomiye Nigel iyo xildhibaan Carver oo doraad ka qayb-galay Fadhi baaralamaanka Yurub kaga doodayey Aqoonsiga dalka Falastiin, ayaa labadoodu iska daba-qaatay taageero ay ku dhiirri-gelinayeen Aqoonsiga Somaliland oo ay sheegeen inay u qalanto, isla markaana golahooda la soo hor-dhigo mooshin lagaga doodo Aqoonsiga Somaliland.
Fadhi baarlamaanka Yurub ku yeeshay xaruntooda magaalada Strasbourg ee dalka Faransiiska oo cod loogu qaadayey aqoonsi la siiyo dalka Falastiin, ayaa xildhibaan James Carver oo Xisbiga UKIP ugu jira Baaralamaanka, waxa uu dooddiisa ku dhex-darsaday qadiyadda madax-banaanida Somaliland “Waxaan muddo dheer taageersanaa madaxbanaanida dal kale oo muslim ah oo Somaliland la yidhaahdo, 3-dii bishii September, sannadkan waxaan Midowga Yurub ugu gudbiyey qoraal su’aal ku saabsan aqoonsiga Somaliland,” ayuu yidhi Xildhibaan Carver oo hadalkiisa ku darsaday doodda ka dhacday Baarlamaanka Midowga Yurub.
Mr. Carver oo ka sii hadlayey jawaabta uu ka helay Guddiga Yurub, ayaa sheegay in loo soo gudbiyey jawaab u dhignayd “Guddiga Midowga Yurub ma laha awoodda ay ku aqoonsadaan dal, laakiin taa waxa awood u leh waddamada xubnaha ka ah Midowga Yurub, sida Sweden.”
Dhinaca kale, Gudoomiyaha xisbiga UKIP ee dalka Ingiriiska oo fadhiga shalay ee Baarlamaanka Yurub oo xubin ka yahay goob-joog ka ahaa, ayaa taageeray doodda uu xildhibaanku soo jeediyey ee ku saabsan aqoonsiga Somaliland, waxaanu yidhi isaga oo la hadlayey shir-gudoonka iyo mudaneyaasha Baarlamanka “Guddoomiye, Baarlamaan, dhawaan saaxiibkay Mr. Carver wuxuu Midowga Yurub u qoray qoraal uu kaga dalbanayo aqoonsiga madaxbanaanida Somaliland, taasoo loogu soo jawaabay inaan Midowga Yurub lahayn awood uu ku aqoonsado dal cusub, waxaana laguugu soo gudbiyey jawaabta inaan dalabkaasi soconayn.”
Mr. Nigel waxa uu guddoomiyaha Baarlamaanka Midowga Yurub u soo jeediyey inuu aqbalo dalabka aqoonsiga madaxbanaanida Somaliland isla-markaana uu soo dhigo baarlamaanka si cod loogu qaado, waxaanu yidhi, “Si haddaba ay dhab u noqoto inaan dalabkaasi soconayn, fadlan immika ma aqbalaysaa inaad dalabkaa u codeynta madaxbanaanida Somaliland soo dhigtid baarlamaanka si cod loogu qaado, si aan meesha uga saarno inaan Baarlamaanka Yurub awood u lahayn aqoonsiga waddan?” ayuu Guddoomiyuhu weydiiyey shir-guddoonkii baarlamanka Midowga Yurub.
intaasi ka dib waxa halkaasi ka hadlay isla-markaana dooddaasi sii adkeeyay Xildhibaan David Coburn oo isna ah mudane kale oo xisbiga Uk Independent Party ugu jira Baarlamaanka Midowga Yurub, waxaanu sheegay inay xaaraan tahay codka uu Baarlamaanku u qaadayo Madax-banaanida Falastiin, mar haddii Somaliland loogu diidan yahay in Baarlamaanku aanu dal aqoonsan Karin “Haddii aad tidhaahdeen Baarlamaanka Midowga Yurub awood uma laha inay aqoonsadaan Somaliland iyo dal kale, sidaa daraadeed waxa aad ugu yeedheen aqoonsiga Falastiin waa sharci daro” ayuu yidhi, Xildhibaan David Coburn oo Baarlamaanka Midowga Yurub ugu jira xisbiga Uk Independent Party (UKIP). Waxaanu intaasi ku daray inay sharci daradaa qoraal ahaan ugu gudbin doonaan komishanka Midowga Yurub.
Inkasta oo Baarlamaanka Midowga Yurub diiday in la hor-keeno mooshin ka hadlaya qadiyadda Madax-banaanida Somaliland, haddana waxa cod loo qaaday madax-bannaanida falastiin ogolaaday 498 mudane, 88 mudane way diideen halka 111 mudane ay ka aamuseen