DEG DEG Xildhibaanada Dawladda Kenya oo Gaalo iyo Muslin u Kala Baxay iyo Dagaal Xoogaan oo dheex Maray Daawo Muuqaalka

0

dagaal-baarlamaan-kenya-1-150x150Baarlamaanka Kenya ayaa maanta buuq iyo gacan ka hadal hareeyay kadib markii la horkeenay sharciga cusub ee xeerka amaanka, kaasoo awood dheeri ah siinaya Booliska iyo Madaxweynaha Kenya, waxayna Xildhibaanada kala hortageen buuq iyo fowdo.
Xildhibaanada Mucaaradka ayaa la arkayay iyagoo jeex jeexayay nuqulada hindise sharciyeedka xeerka amaanka, iyadoo taasina ay ka dhalatay gacan ka hadal dhex maro xildhibaanada qaarkood oo laba u kala qeybsanaa.

Afar ka mid ah xildhibaanada ayaa isu gacan qaaday, waxaana labo ka mid ah uu amray Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka in dibada loo saaro, markii uu buuqa iyo gacan ka hadal sii xoogeystay.

Xildhibaanada mucaaradka ayaa biyo ku tuuray kuxigeenka Gudoomiyaha Baarlamaanka haweeneyda lagu magacaabo Joyce Laboso, waxaana ay amartay in dibada loo saaro labo xildhibaan.