Midowga Yurub oo $13milyan ugu deeqay Soomaaliya si loogu horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha

0

Midowga Yurub ayaa lacag gaaraysa $13.4 milyan ugu deeqay Soomaaliya si loo horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha ee burburay.

Lacagtan ayaa Dowladda Soomaaliya loo soo marsiinaya Bankiga aduunka oo maamuli doona, iyadoo kal hore Dowladda Federaalka lacago toos loogu deeqay la is-daba mariyey.

Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso ayaa sheegay in soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada sahlayso nabad waarta.

Lacagtan ayaa sidoo kale loogu talo galay in lagu hormariyo noloshada muwaadininta Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale qeyb kamid ah lagu bixin doona mushaharaadka shaqaalaha dowladda.

 

Arabsiyonews.com

Muqdisho office