Putin oo difaacay Siyaasadiisa

0

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa khamiistii shalay qabtay shirkiisa jara’iid ee ugu weyn oo uu sanad walba qabto ayaa muddo 3 saac ah ka jawaabayey su’aalaha in ku dhaw 1000 suxufi.

Hogaamiyaha Ruushka ayaa si adag u difaacay siyaasadiisa dibada iyo dhaqaalaha, xili dalka Ruushka uu si weyn u saameeyey dhaqaale xumo iyo cadaadis uga imaanaya dalalka reer Galbeedka.

Putin ayaa ku dooday in dalka Maraykanka uu ka danbeeyo weerarka siyaasadeed iyo cunaqabateynta ay wadaan dalalka Midowga Yurub, wuxuuna sheegay in Maraykanka marna uusan dooneyn in dalka Ruushku uu awood yeesho.

Putin ayaa kua dkeystey dhibaatooyinka dhaqaale ee dalkiisa soo gaarey in aysan ka danbeyn kadib markii ay gobolka Crimea ku sood arsadeen Federaalka Ruushka,w axaana uu mar kale hosta ka xariiqey in qorshaha reer Galbeedku uu ka horeeyey, laakiin marmarsiinyo laga dhiganaayo qalalaasaha Ukraine.

Vladamir Putin ayaa sheegay in dalkiisa uu kasoo kaba doono dhaqaale xumada baahsan iyo hoos u dhaca ku yimid qiimaha lacagta Ruushka, isagoo sheegay inuu wado qorshe lagu balaarinayo shaqo abuurista dalkaasi iyo waliba ganacsiga uu Ruushka la leeyahay caalamka.

 

Arabsiyonews.com

Mosco office