Baarlamaanka Kenya oo ansixiyey sharci cusub oo dhinaca amaanka

0

Golaha Baarlamaanka Kenya ayaa meelmariyey sharci cusub oo ku saabsan nabadgalyada, kadib buuq ka dhashey kalfadhiga.

Sharciga cusub oo qeyb kamid ah sharciga la dagaalanka argagixiisada oo ay Xukuumadda Kenya soo diyaarisay ayaa dood weyn dhaliyey, waxaana Xildhibaanada Kenya iskula tageen gacmaha isla markaana dhowr saacadood kulanka uu hakad ku imid.

Dowladda Kenya ayaa doonaysa in sharciga cusub wax uga qabato falalka amaan darrada oo sanadihii u dambeeyey kusoo batay dalkeeda oo ay al-Shabaab ka dambeyso.

Tusaale sharciga cusub ayaa u sahlaysa Ciidanka Kenya in qof uga shakiyaan argagixiisnimo xabsi ku hayaan 360-maalmood halka markii hore ay ahayd 90-maalmood iyadoo aan dambi lagu soo oogin.

Dad badan ayaa si weyn uga soo horjeeda sharcigan oo aan ogolaanaynin in dadku ay fikirkooda ka dhiibtaan arrimaha amaanka oo bulshada rayidka si weyn ugu dhaliileen dowladda Kenya.

 

Arabsiyonews.com

Nayrobi office