Hargeysa (AN) Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha wakiilada ee laga soo doorto gobolka Selel, ayaa ka hadlay tabashada reer Awdal ee keentay in Suldaan Wabar ka fallaagoobo Somaliland, waxaanu ku baaqay in la kala saaro Somalilandnimada iyo tabashada.
Xildhibaan Aareeye oo shalay saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa isaga oo arrimahaa ka hadlaya yidhi “Dadka Awdal iyo Selel deganow wax waa la taban karaa oo waa lala xisaabtami karaa xukuumadda jirta, tii Ina Rayaale ee idinka soo jeeday waad la xisaabtamayseen, tanna waad la xisaabtamaysaan, xisaabtu inay keento rasaas maaha iyo iyo RRU la geeyo”
Xildhibaanku wuxuu xukuumadda ugu baaqay inay dhageysato tabashada dadweynaha “Xukuumaddu waa inay dhageysataa tabashooyinka oo ay dhago u yeelataa oo ay dadka wax u qabataa” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey inaan loo baahnayn in tabashadu ka hor timaaddo Somalilandnimada “Annagu ma doonaynno in tabashada Awdal iyo Selel ka soo horjeedsato Somaliland, waayo Somaliland waa dhabarka iyo xanjaadka labadeena gobol, meeshana kuma jirto annagu gobol gaar ah ayaanu nahay, waayo innaga ayaa Somaliland leh, weliba reer Borama ayaa leh, Borama ayaa lagu aasaasay oo lagu dhisay, markaa ha isku qaldina Somalilandnimada iyo cabashada








