Boorama (AN) Ciidamada Ammaanka ayaa habeen hore saqdii dhexe xishay laba xildhibaan oo Golaha Deegaanka ee Magaalada Borama iyo toro dhallinyaro ah kadib rabshadihii doraad ka dhacay halkaasi.
Xildhibaanadan ayaa la sheegayaa inay ku eedeysan yihiin nay masuul ka ahaayeen Mudaharaadkii doraad ee lagu taageerayey Suldaan fallaagoobay oo deegaankaas ka soo jeeda.
Xildhibaanadan oo saldhigga booliska ee Magaalada Borama lagu xidhay, ayaa subaxdii hore ee shalay loo soo qaaday dhinaca Magaalada Hargeysa, sida uu sheegay Maayarka Borama oo shalay saxaafaddu wax ka waydiisay xadhigga labada xildhibaan “Waxa xidhan laba xildhibaan oo kala ah Ibraahim iyo Xasan, waxa kale oo la xidhay dhallinyaro markii ciidanku uu hawlgalka sameeyay”
Maayarku wuxuu sheegay in marka hawlgal ciidan dhaco ay iman karto in Masuuliyiinta dawladda ee xasaanadda leh gacanta ciidanku ka dhacdo “Haddii hawlgal dhaco waxa laga yaabaa inay dad daacad ahna saamayso, kuwo dambiga wax ku lehna ay saamayso, xadhigga xildhibaannadu sidaas ayuun buu la mid yahay, waayo haddii la odhan lahaa dambi ayay galeen, aniga iyo xildhibaannadu habeenkii oo dhan waanu wada soconay”
Maayarka Magaalada Borama, Saleebaan Xasan Xaddi, oo la waydiiyey halka ay xildhibaannadu ku xidhan ayaa sheegay “Saaka (shalay) markaanu toosnay waxaanu ogaanay in xildhibaanadii la qaadey oo dhallinyaradii la raaciyey (Hargeysana la geeyay), ujeeddada loo xidhayna ma cadda, maadaama oo aan ilaa hadda la baadhin” ayuu yidhi, waxaanu intaasi sii raaciyey in xaaladda Magaalada Borama ay deggan tahay isla-markaana aanay wax dhibaato ahi ka jirin