Madaxwaynaha Somaliland Oo Jabuuti U Tagaya Wadahadal Dhex Maraya Dhiggiisa Soomaaliya, Ajandaha Shirkaasi Iyo Cidda Ka Shaqeysay

0

Wadahadalladii-Somalia__Somaliland_1-150x150Jabuuti (An)   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wada hadashiinaya Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamd Maxamuud (Siilaanyo) iyo dhiggiisa dalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxwayne Geelle oo door firfircoon ku leh siyaasadda dalalka Geeska Afrika, siiba dalka Soomaaliya oo dawladdiisu u dirtay ciidamo nabad ilaalineed oo ka mid ah AMISOM, ayaa bilaabay qorshe uu doonayo inuu isku soo hor-fadhiisiyo Madaxwaynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya oo wada hadalladii uga socday Turkigu ilaa hadda aanay wax midho dhal ah yeelanin.

Wadahadalladan oo aan la ogeyn inay xidhiidh la leeyihiin kuwii Turkiga iyo inay yihiin kuwo uu curinayo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa waxa diyaar-garowgooda u tagay halkaasi wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis iyo Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo isagu toddobaadkii u dambeeyay ku sugnaa Caasimadda Jabuuti.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, ayaa safarka uu ku tagay Magaalada Jabuuti ugu sii gogol xaadhaya wefti uu hoggaaminayo Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmd Maxamed Siilaanyo oo sida ilo-wareedyo xog-ogaal ahi u sheegeen Wargeyska Somalilandtoday u amba-baxaya maanta oo Isniin ah ama Salaasada Berri (Haddii ILAAHAY yidhaahdo).

Wadahadalladan Magaalada Jabuuti ay Somaliland iyo Soomaaliya ugu qabaneyso Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti oo la filayo inay ka adkaadaan kuwii hore Magaalada Istanbul ugu dhex maray Madaxwayne Siilaanyo iyo Xasan Sheekh, ayaa xogaha laga helayaa sheegayaan in lagu soo qaadi doono qadiyadda Somaliland oo Madaxwayne Ismaaciil Cumr Geelle uu aad uga war-qabo marxaladihii ay soo martay qadiyadda iyo sidii Somaliland iyo Soomaaliya u ahaayeen laba dawladood oo midoobay lixdankii.

Shirkan oo qadiyadda Somaliland u leh muhiimad gaar ah, maadaama oo cidda wakhtigan u dhaxaysaa Soomaaliya ay tahay Jamhuuriyadda Jabuuti oo qayb ka ahayd shantii Soomaaliyeed ee midowgoodii lagu hongoobay, ayaa la saadaalinayaa inay ka soo baxaan midho wax ku ool ah, waxna ka tari kara qadiyadda Madax-banaanida Somaliland, isla-markaana ka heer sareeya waxyaabihii laga dhaxlay wadahadalladdii Turkiga iyo Ingiriiska ka dhacay oo hoggaamiyayaal aan taariikhda labada waddan waxba kala soconin dhexdhexaad ka ahaayeen.

Ugu dambeyn, Madaxwaynaha Somaliland oo la wariyey inuu diyaarsaday ajande adag oo uu doonayo inuu hor-dhigo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sida xoguhu tibaaxayaan Jabuuti u amba-bixi doona Maanta oo Isniin ah ama Salaasada berri