Wararka hada naga soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa shegay in dagaal ku dhexmaray ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo joogay Dhuusamareb iyo ciidamo ka amar qaata Ahlusuna Waljameeca ee gobolada dhexe.
Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii ciidamada Dowladda ay dagaal ku qaadeen fariisin ay joogeen ciidamada Ahlusuna iyagoo iska hor yimid dagaal muddo kooban socday oo ka dhashay khasaare dhimasahada 1 qof iyo dhaawaca 3 qof oo rayid ku jiraan.
Wararka ayaa xaqiijinaya in ciidamadii Ahlusuna ay iskaga baxeen gudaha magaalada Dhuusamareeb iyagoo degay duleedka magaalada halka qaarka mida ay umba baxeen magaalada Guriceel.
Dagaalkan saaka ka dhacay gudaha Dhuusamareeb ayaa yimid xili ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Ahlusuna ku dagaalameen shalay gudaha magaalada Guriceel, waxaana la sheegay in dagaalkan uu kaa daba socdo
Arabsiyonews.com
Dhuusamareeb office








