Taliye Boolis oo lagu diley Dagaal ka dhacay Deegaan hoostaga Balcad Shabeelada Dhexe

0

Taliyihii Booliska Deegaan lagu magacaabo Xawaadley oo hoosta Degmada Balcad ee gobolka Shabellada Dhexe ayaa ku dhintay dagaal dhexmaray ciidamada Dowladda iyo maleeshiyaad joogey tuulada Xawaadley.

Taliyaha oo lagu magacaabi jiray Cumar Xasan ayaa isagoo ciidamada amaanka wata waxa uu howlgal amaanka lagu sugayey ka bilaay gudaha Xawaadley isagoo soo qab qabtay dhalinyaro lagu eedeeyey ku lug lahaanshaha falalka amni dari ee ka jiray tuulada, Ciidanka taliyaha ayaa iska caabin ka la kulmay koox maleeshiyaad oo is aruursatay halkaa oo xabadihii la isweydaarsaday ku dileen taliyaha.

Dagaalkan oo dhacay galabnimadii shalay ayaa gaaray xili dambe iyadoo saaka la is horfadhiyey waxaana khasaaraha ka dhashay lagu sheegay in ay ku dhaawacmeen ilaa 3 qof oo rayid iyo labada dhinacba iskugu jira halka dhimashada la xaqiijiyey ay tahay Taliyaha booliska ee deegaanka Xawaadley.

Nabadoono iyo masuuliyiinta maamulka gobolka Shebellada Dhexe ayaa gaaray deegaanka Xawaadley iyagoo guda galay waa waan iyo dhex dhexaadinta laba dhinaca waxaana wararku sheegayaan in lagu guuleystay qaboojinta dagaalkii u dhaxeeyey dowladda iyo maleeshiyaadka.

Arabsiyonews.com
Galgaduud office