Ciidamada Ahlusuna iyo Dowladda oo dagaal ku dhex maray Guriceel

0

Galinkii dambe ee Jimcahii waxaa dagaal iskaga hor yimid ciidamo ka tirsan kuwa Ahlusuna oo joogay magaalada Guriceel iyo ciidmo dowladda federaalka oo la socday wafdi wasiiro iyo saraakiil ah oo maalmahii dambe ku sugnaa gobolka Galgaduud.

Dagaalkan oo socday muddo kooban ayaa khasaaraha ka dhashay lagu sheegay 9 qof oo dhaawac ah oo 7 qof ay yihiin ciidamada labada dhinac ee dagaalka dhexmaray.

Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Waheliye Cirfo oo ka hadlay dagaalkan iyo sababtiisa ayaa dusha eeda ka saaray ciidamada Ahlusuna oo uu sheegay in ay jidka u galeen wafdiga dowladda iyo ciidamada ilaalada u ahaa, Cirfo waxa uu sheegay in ciidamada Ahlusuna ay si xoog ah ku haystaan Xarumaha dowladda ee Guriceel.

Dhinaca kale sarkaal ka tirsan Ahlusuna oo ku sugan Guriceel ayaa iska fogeeyey eeda uga timid gudoomiyaha gobolka isagoo sheegay in aysan waxba ka jirin in dagaalka ay qaadeen balse ay weerarku uu kaga yimid ciidamada dowladda oo ugu yimid fariisi mahooda.

Gobolka Galgaduud waxaa sanado kala duwan ka soo arimiyey maamulo kala duwan oo Ahlusuna ka mid tahay iyadoo dagaalo kula gashay Ururka Al-shabaab, waxaana muddooyinkii dambe soo laa laabanayey murar siyaasadeed iyo dagaalo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo Ahlusuna.

Arabsiyonews.com
GuriceelĀ  office