War ka soo baxay Afhayeenka wasaarada Amniga Soomaaliya Maxamed Yuusuf iyo Nabad sugida dalka ayaa lagu amray ganacsatada iyo Shacabka Muqdisho in aysan gaadiidkooda iyo Guryahooda ka kiray shaqsi aysan garanayn damiina aysan ka hayn.
ADVERTISEMENTS
Laamaha amnigu waxay sheegeen in khataro kaga iman karaan shacabka kireynta baabuurta iyo Guryaha ay mulkiga u leeyihiin, iyagoo ku sababeeyey in ay adeegsadaan shabakado Al-shabaab ah xiliyada ay fuliyaan dilalka.
Warka waxaa lagu sheegay in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogadeen guryo iyo gaadiid ay isticmaali jireen Al-shabaab gacantana ay ku hayaan, waxayna sheegeen in hantidaasi si aan ka soo noqod lahayn ula wareegtay dowladda.
Shacabka iyo ganacsatada ayaa loogu baaqay in aysan Guryaha iyo baabuurta ka kirey qof aysan aqoon u lahayn hadii ay dowladdu aragto guri iyo gaadiid lagu qabto fal laxiriir degenaasha kooxo ka tirsan Al-shabaab ayey dowladdu sheegtay in ay gurigaa iyo baabuurtaa la wareegayso.
Amarkan ayaa soo baxay xili dhawaan laamaha amnia soo qabteen shabakada ka tirsan al-shabaab oo in muddo ah ka howl galaysay muqdisho kana fulisay dilal, weeraro qaraxyo iyo dagaalo, Iyagoo isticmaalayey Baabuur ay kireysteen iyo kuwo ayshaqsi ahaan u lahaayen, waxay sidoo kale ku jireen Guryo laga kireeyey oo ay ka soo abaabulayeen howl galkooda.
Arabsiyonews.com
Muqdisho office








