Madaxa CIA oo ka hadlay Fadeexada soo wajahday

0

John Brennan Agaasimaha Hay’ada Sirdoonka Maraykanka (CIA) ayaa shir jaraa’iid uu qabtay uga hadlay warbixintii Golaha Senate-ka Maraykanka shaaciyey.

Warbixintan oo laga diyaariyey baaritaankii lagu sameeyey jirdilkii ay hay’ada Sirdoonka CIA u adeegsatay maxaabiistii Al Qacida ee lasoo qabtay wakhtigii xukuumadii George W Bush.

Brennan ayaa saxaafada ku casumay xarunta CIA isagoo ka hadlay warbixintan wallow uu ku adkeystay in hay’adooda aysan adeegsan jirdil balse ay jiraan khaladaad dhacay oo ay geysteen saraakiil ku talax-tagay falal aysan u heysan amar, ayuu yiri John Brennan.

Fadeexada soo wajahday CIA ayaa ah mid horey loo filayey iyadoo aysan qorsoodi ahaan jirin in hay’adan ay jirdil u geysato maxaabiista ay qabato, balse warbixinta la shaaciyey oo weliba xog badan laga saaray ayaa hadana muujineysa markii ugu horeysay qaar kamid ah qaabka jirdilka loo geystay maxaabiista.

Guddiga Golaha Odayaasha Maraykanka ee Senate-ka ee arrintan soo baaray ayaa sheegay in jirdilka uusan waxna kusoo kordhin xogti ay baadigoobeysay hay’ada CIA, isla markaana jirdilku uusan ahayn habka xogta looga helo dadka maxaabiista.

Warbixintan oo ka kooban 500 bog ayaa waxaa lagu xusay tusaalooyin muujinaya qaabka maxaabiista loo jirdili jiray oo ay ku jiraan:

Hurdada oo loo diido
Cuntada oo loo diido
In lagu sameeyo jirdilka Waterboarding oo qof biyo lagu hafiyo illaa uu moodo inuu dhimanayo.
Maxaabiista oo lagu khasbo in iyagoo qaawan gacmaha cirka u taagaan muddo saacado badan ah.
Maxaabiista lagu xiro Sanduukh ay ka buuxaan Cayayaanka wax qaniina oo maalmo lagu hayo dhex-hayo.
Dalalka Caalamka ayaa si adag arrintan uga jawaabay iyadoo dalal ay kamid yihiin Ruushka, Iran iyo China ay Maraykanka ku eedeeyeen inuu cadow ku yahay Xaquuqul Insaanka.

Wadamadaasi ayaa kamid ah kuwii uu horey Maraykanka ugu eedayn jiray falal ka baxsan xaquuqul Insaanka.

Arabsiyonews.com
washiton office