Putin oo booqasho Muhiim ah ku tagay India

0

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa booqasho ku tagay dalka India si uu u xoojiyo xiriirka ganacsi ee labada dal ka dhaxeeya.
Dowlada Ruushka oo xiligan culeys uga imanayo dalalka reer Galbeedka ee xayiraada dhaqaale saaray ayaa doonaya inuu xoojiyo xiriirka uu la leeyahay dalalka soo koraya iyo kuwa Qaarada Afrika iyo Aasiya.

Putin ayaa ka qeyb galay shirka iskaashiga ganacsiga ee India iyo Ruushka waxaana lagu wadaa in dowlada Ruushka ay ka gado India mashaariic waaweyn oo ay ku jiraan hubka militariga iyo dhismaha xarumaha Nukliyerka ee laga dhaliyo tamarta.

Arabsiyonews.com
Hargeisa office