30-qof oo ku geeriyooday qaraxyo ka dhacay Suuq ku yaalla Nigeria

0

Labo qarax oo ismiidaamin ayaa ka dhacay goob aad u mashquul badan dalka Nigeria, waxaana ka dhashey khasaaro badan oo isku jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxyada ayaa ka dhacay suuq ku yaalla magaalada Jos, waxaana ku dhintay ugu yaraan 30-qof oo rayid ah iyadoo ay ku dhaawacmeen dad intaas ka badan.
Saraakiisha Booliska ayaa ku eedeeyay weerarka in ay ka dambeeyaan kooxda mintidka ee Boko Haraam oo looga bartay in ay geystaan weerarada noocaan oo kale.

Dalka Nigeria ayaa ku badanaya weerarada ismiidaaminta ay geysanayaan Boko Haraam, iyadoo Dowladda Nigeria ay ku guuldaraysatay in ay wax ka qabato.
Arabsiyonews.com
Hargeisa office