Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ururka xagjirka ah ee al-Shabaab aan awoodiisu wiiqmin xilli lagala wareegay magaalooyin muhiim ah.
Sii hayaha Wasiirka Amniga qaranka ee Dowladda Federaalka Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in al-Shabaab weli khatar ku tahay nabadgalyada isla markaana ay qorsheynayaan in weeraro geystaan.
‘’Lama oron karo al-Shabaab maanta waa la burburiyey, hadda wax badan bay sameyn doonaan waa koox naf la caraari oo ujeedkooda aan la aqoon waxay tahay aan ahayn dil ama dumi,’’ ayuu ku yiri wareysi uu siiyey BBC-da.
Mr Ereg ayaa tibaaxay in kooxdan laga adkaan karo haddii iskaashi buuxda dhexmaro wadamada geeska Afrika.
Al-Shabaab oo xiriir la leh ururka al-Qaacida ayaa lumiyey magaalooyin istiraatiiji ah ay haysteen Koonfurta Soomaaliya, balse weeraro kala duwan ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho iyo wadamada deriska ah sida Kenya.
Arabsiyonews.com
Nayrobi office








