Haweenay 5 sano xarig ku muteysatay Sawiro ay ku faafisay Facebook

0

Maxkamada UK ay xukun ku riday haweenay muslimad ah oo shabakada Facebook ku faafisay sawiro iyo qoraal lagu taageerayo dadka is-qarxiya.

Runa Khan oo degenayd magaalada Luton ayaa Khamiistii shalay la horgeeyey maxkamada waxaana lagu xukumay 5 sano iyo 3 bilood oo xabsi ah.

Maxkamada ayaa lagu soo bandhigay qoraaladii iyo sawiradii ay Runa ku faafisay Facebook oo ay kamid ahaayeen sawiro muujinaya Bombada la isku qarxiyo iyo qoraalo la socday oo ay kamid ahaayeen;

“…Naftaada u hur diintaa…” iyo qoraalo kale.

Haweenaydan ayaa sidoo kale barteeda Facebook soo dhigtay sawiro Ciyaalkeeda yar yar oo ay usoo dhiibtay Seefo iyo Qori.

Sidoo kale waxay faafisay qoraalo ay dadka ugu sheegayso wadada loo maro hadii aad dooneyso inaad ku biirto dagaalada ka socda Siiriya iyo Ciraaq.

Booliiska UK ayaa sheegay in falalkan ay ku filan tahay in haweenaydan la xukumo iyadoo lagu eedeeyey inay faafineysay qoraalo lagu dhiiri gelinayo argagaxisnimada.

Hase yeeshee Runa oo ah 35 sano jir ayaa sheegtay in sawirada iyo qoraalada ay faafisay ay ahayd oo kaliya iyadoo kusoo bandhigeysa diinteeda.

Balse Maxkamada ayaa doodan Runa diiday isla markaana xukun adag ku riday haweenaydan oo kamid noqonaysa dadkii ugu horeysay oo loo xiro warar ay internetka ku faafiyeen.

Arabsiynews.com
London office