Shirkadda FlyDubai oo duulimaad ku tegi doonta Hargeysa, Somaliland

0

Shirkadda FlyDubai ayaa sheegtey in ay duulimaadkeeda ballaarisey isla markaana meelaha cusub oo lagu daray ay ka mid tahay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, Sidoo kale dalalka ay ku soo siyaadisey waxaa ka mid ah Sucuuudiga iyo Hindiya.

Warka ka soo baxay FlyDubai ayaa lagu sheegey in afarta bilood ee u horeysa sanadka 2015 ay bilaaban doonaan duulimaadka Hargeysa, waxaana todobaadkii ay tegi doontaa afar jeer laga bilaabo 05 Maarso 2015.

Hamad Obaidalla oo ah madaxa Ganacsiga ee shirkadda FlyDubai ayaa yiri sanadkan 2014 waxuu ahaa mid mashquul u ah shirkadda, waxaana sameyney ilamaa iyo 26 duulimaad oo cusub tan iyo bishii Janaayo, waxaana na faraxgeliyey in aan gaarney suuqyada aan la taaban ee qaaradda Afrika.

Si kastaba ha ahaatee duulimaadka shirkadda FlyDubai ay ku tegi doonto Hargeysa ayaa noqon doona mid aad loo soo dhaweeyo sidoo kale waxay albaabka u fureysaa in lagu tartamo suuqyada ganacsiga duulimaadka oo muddooyinkan qiimayaasha tigidhadu cirka isku shareereen iyada oo ayba adagtahay in la helo xilliyada xagaaga. Diyaaradaha ay isla leeyihiin shirkadaha Soomaalidu saamiga ku leedahay ayaa noqdey kuwo aan si weyn la isugu halayn karin.

Shirkadda FlyDubai waxaa la asaasey sanadkii 2008 waxaa asaasey xukuumadda Dubai, waxa ay tagtaa in ka badan 83 garoon, dalka Jabuuti waxay duulimaad ku tagtaa maalinkasta.

Garoonka Hargeysa waxaa dib loo dhisey sanadkii 2012, diyaaradda keliya ee caalami ah ee horey u tegi jirtey ayaa ahayd Ethiopian Airlines, Wasiirka Hawlaha Guud ayaa bilowgii sanadkii 2013 sheegey in xagaaga 2013 diyaaradaha imaan doona Cigaal International Airport ay ka mid yihiin FlyDubai iyo Kenya Airways, waxaana muuqata in muddo laba sano ah ay dib u dhacdey ballanqaadkii Wasiirka.

Arabsiyonews.com
Dybai office