Ban Ki-moon oo ka hadley maalinta xuquuqda aadanaha ee 10 Dec

0

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa fariin qoraal ah oo uu caalamka u direy uga hadley muhimadda maalinta xuquuqda aadanaha ee ku beegan maanta 10 Diseember, waxaana uu fariintiisa ku yidhi

Munaasabadda Xuquuqul Insaanka, waynu ka hadlaynaa.

Waxaynu cambaareynaynaa maamullada diida xuquuqda qof kasta ama koox kasta.

Waxaynu ku dhawaaqaynaa in xuquuqul insaanka aynu wada leenahay dhammaanteena, waqti walba: cid kastoo anynu nahay iyo meel kastoo aynu ka soo jeedno; si kastaba ha u kala duwanaadeen dabaqadaheenu, fikradaheenu, ujeedkeena xagga galmada.

Taasi waa arrin muhim u ah caddaaladda qofka, xasilloonida bulshada iyo horumarka adduunka.

Qaramada Midoobay waxay ilaalinaysaa xuquuqul insaanka waayo taasi waa ujeeddadeena aan ku faanno – dadkuna way ku naalloodaan xuquuqdooda, dhaqaaluhuna wauu kobcayaa, dalalkuna nabad bay helayaan.

Xadgudubyada loo geysto xuquuqul insaanka ma aha keliya dhibaatooyin qofka loo geysto. Waa gambaleel digniin ah oo ka digaya qalalaanso intaa ka weyn.

Tallaabada Kowaad ee Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay waa loola jeedaa in lagu dhegeysto digniintaas. Waxaanu u ololeyneynaa annagoo ka jawaabayna xadgudubyadaas – inta ayna isu rogin xasuuq wadareed ama dembiyo dagaal.

Qof kasta wuxuu ka qaybgali karaa horumarina karaa halganka lagula jiro caddaalad darrada, isu dulqaadasho la’aanta iyo xagjirnimada.

Waxaan ugu baaqayaa Dowladaha inay fuliyaan waajibka ka saaran ilaalinta xuquuqda aadanaha maalin kasta oo ka mid ah sannadka. Waxaan ugu baaqayaa dadka inay la xisaabtamaan dowladahooda. Waxaana ku baaqayaa in si gaar ah loo ilaaliyo dadka difaaca xuquuqda aadanaha oo si geesinimo ah ugu adeega ujeeddada naga wada dhexeysa.

Aynu ka jawaabno oo aynu u gurmano oohinta iyo dhawaaqa dadka lagu xadgudbo, oo aynu xoojino xaqa ay dadkoo dhan u leeyihiin sharaf iyo karaama baniaadanimo.

Arabsiyonews.com
New your office