Golaha Wakiilada Puntland ayaa maanta oo Salaasa ah ansaxiyey xeerka doorashooyinka ee Puntland.
Xeerka doorashooyinka ayaa waxaa horey u soo meelmariyey xukuumadda Puntland kaas oo ka kooban 26 qodob, waxaana laga tixraacay xerkii hore ee Guddiga Doorashooyinka Puntland kaas oo wax laga beddalay.
Madaxweynaha Puntland ayaa horey u ballan qaadey in ay dardargelinayaan nidaamka doorashooyinka Puntland, waxaana uu hoosta ka xariiqey haddii ay Puntland ka hirgelinwaayaan doorashooyin xor ah in Dowladiisu fashilantey gebi ahaantedba.
Golaha Wakiilada Puntland ayaa dhankooda wax ka beddel yar kus ameeyey xeerka doorashooyinka ee Puntland, kaas oo horey u ahaan jirey 24 qodob laakiin hadda la gaarsiiyey 26 qodob.
Meel-marinta xeerka doorashoyinka Puntland waxaa ku xigi doono in la magacaabo guddigii doorashada ee Puntland, kuwaas oo dejin doona nidaamka axsaabta isla markaana ku dhawaaqi doona diiwaan gelinta Xisbiyada siyaasadeed.
Nidmaaka Xisbiyada badan ee Puntland ayaa dadka qaarkiis ku tilmaameen arrin u baahan ka fiirsi badan, si aysan u dhicin mar labaad wixii dhacay sanadkii 2013.
Nidaamka xibsiyada badan ee Puntland ayaa horey u fashilmey kadib markii Xukuumaddii Dr Cabdiraxmaan Faroole ay isku daydey in ay hirgeliso sanadkii u danbeeyey ee maamulkiisa oo muran badan taagan yahay, waxaana ka gaabsadey in ay Xisbiyo furtaan in badan oo ka mid ah siyaasiyiinta Puntland, iyada oo ay isugu soo hareen Xisbiga Horseed ee Dr Faroole guddoomiyaha ka ahaa iyo labo xisbi oo kaliya.
Arabsiyonews.com
Garoowe office








