Barnaamijka dib u celinta qaxootiga Soomaalida oo Kenya ka bilowdey

0

Waxaa todobaadkan bilowdey dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee dalka Kenya, barnaamijkan oo ay fududeysey hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR.

Dadkan qaxootiga ah ayaa 23-kii sano ee la soo dhaafey ku noolaa dalka Kenya, waxaana ka mid ah kuwo ku dhashey kuna korey xeryaha qaxootiga. Qaxootiga ayaa la sheegey in ay iskood ugu laabteen dalkoodi oo aysan jirin cid khasabtey.

Hay’adda UNHCR ayaa siisey sahay ay ku gaaraan dhulkoodi, waxaana lagu soo dhaweeyey degmada Dhoobley, halkaas oo ay kula wareegeen wasiiro ka socdey maamulka Jubbaland, waxaana qaarkood tegayaan magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose Dadka dib u laabtey oo munaasabad sii dhaweyn ah loogu sameeyey xerada Dhadhahaab ayaa aad ugu faraxsanaa in ay dib ugu laabtaan dhulkoodi.

Dadka is diiwaan geliyey in ay dib u laabtaan ayaa ilaa hadda gaaraya 3000 oo qoys.

Qaxootiga Soomaalida ee dalka Kenya ayaa dhibaatooyin badan kala kulmey sanadihii u danbeeyey dalka Kenya, waxaana ay dantu bidey in ay dib ugu noqdaan dalkoodi hooyo, maadaama nabadgalyadu ay ka riiontahay sidey waayo ahayd.

Barnaamijka dib u celinta qaxootiga waxaa horey uga heshiiyey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Kenya iyo hay’adda UNHCR inkasta oo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanuhu ay heshiisaas dhaliiceeyeen kuna tilmaameen mid meel uga dhacaya xuquuqda qaxootiga.

 

 

Arabsiyonews.com

Kenya officesomali_ref-740x492