Borama (AN) wefti ka socda xukuumadda Somaliland, ayaa shalay gaadhay Magaalada Borama ee xarunta Gobolka Awdal, kuwaasi oo la filayo inay halkaasi u tageen xaalad amaan daro oo laga cabsi qabo inuu halkaasi ka abuuro Suldaanka beesha Jibriil Yoonis (Samaroon) oo maalmihii u dambeeyay ku dhuumaalaysanayey buuralayda gobolkaasi.