Safiirka Dawladda Maraykanka U Qaabilsan Soomaaliya Iyo Ku Xigeenka Madaxda Hay’adda USAID Oo Somaliland Ku Jooga Booqasho

0

download-31-150x150

Hargeysa (AN)  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweynaha Somaliland, ayaa shalay qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Wefti ballaadhan oo ka socda dawladda Maraykanka isla-markaana ay hoggaaminayso ku xigeenka hay’adda horumarka Maraykanka ee loo yaqaan USAID, Miss Etim Linda.

Weftigan oo uu sidoo kale ka mid yahay Safiirka Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Somalia, ayaa ujeeddada socdaalkooda iyo kulanka ay la yeesheen Madaxweynaha waxa faahfaahiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis iyo Safiirka Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Somalia iyo sidoo kale Haweenayda Hoggaaminaysay weftigan.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland oo hadalka ku horeeyay ayaa sheegay “Weftigan ka socda Maraykanku waa kii ugu horeeyay ee heerkan ah ee inoo yimaadda, waxaanu ka wada hadallay sidii labada waddan (Somaliland Iyo Maraykanku) u yeelan lahaayeen ilaaqaad cusub oo waxtar leh. Waanad la socotaan oo hay’adda USAID waxay Somaliland siisaa Mashaariic badan, hasa-yeeshee waxaanu kala hadleynay sidii wax la noogu kordhin lahaa (Taageerada), sidii ilaaqaadka labada waddan loo xoojin lahaa”

Safiirka Maraykanka u qaabilsan Somaliya, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu mar kale ku soo laabto Magaalada Hargeysa, isaga oo ay weheliyaan Masuuliyiinta hay’adda USAID. Waxaanu sheegay in Madaxwaynaha Somaliland iyo Golihiisa wasiirrada ay ka wada hadleen mashaariicda Maraykanku ka fuliyo Somaliland.

Ku xigeenka Madaxa hay’adda USAID, Miss Etim Linda oo iyaduna halkaasi ka hadal kooban ka sheegtay ayaa tilmaantay in hay’adda mucaawimooyinka u qaabilsan Maraykanku ay muddo ka shaqeynaysay Somaliland isla-markaana ay Madaxda Somaliland kala hadleen inay ka go’an tahay inay ka sii shaqeyso Somaliland “Waa Markii koowaad ee aan Hargeysa imaaddo, sidii la noogu soo dhaweeyay aad ayay cajiib u ahayd. Hay’adda USAID muddo ayay ku sugnayd Somaliland, maantana (Shalay) waxaanu ka wada xaajoonay sida USAID ay uga go’an tahay inay sii waddo xidhiidhka dhaqaale kobcineed, baaqina ku sii ahaato halkan”ayay tidhi