Kulankani Waa Kii Ugu Horeeyey Ee Dhex Mara Ergadii Dawladda Jibouti Usoo Dirtay Cirro Cali Cabdi Faarax Iyo Cabdiraxmaan Ciro Oo Sannadkii 2011 Ku Kulmay Magaalada Addis Ababa Waxaa Sawirkani qaaday masuulka nala soo xidhiidhay
Hargeysa (AN )– Agaasime ka tirsan wasaaradda maaliyadda ee dalka Jamhuuriyadda Jibouti oo shabakaddani HALBEEGNEWS kula soo xidhiidhay khadka isgaadhsiinta internetka isagoo isticmaalaya ciwaanka dawladda jibouti .dj, ayaa si rasmi ah ugu xaqiijiyey HALBEEG in dawladda Jibouti ay tan iyo sannadkii 2012 ay siinaysay guddoomiyaha xisbiga WADANI, ahna guddoomiyaha golaha wakiiladda kharashaad iyo lacago toos ah.
Haddaba warbixino kala duwan anagoo ka diyaarin doona xidhiidhka ka dhexeeya Jibouti iyo guddoomiye Cirro, ayaanu warbixintani ku soo qaadan doona, xog ay shabakadda HALBEEGNEWS shaacisay sannadkii 2012 kii wakhtigii lagu guda jiray ololahii doorasha
Kulanka ayaa wuxuu ka yimid dhinaca Guddoomiyaha golaha wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro waxaana si weyn arrinta u aqbalay oo ula dhacay Madaxweynaha Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle, haddaba kulankaasi ayaanu doonayna marka hore inaanu sharaxaad idinka siino wuxuu ku saabsana.
Muxuu Ku Saabsana Kulankaasi
Bilo ka dib markii Madaxweyne Siilaanyo loo doortay tallada dalka wuxuu safarkiisii ugu horeeyey ku tagay dhinaca Jamhuuriyadda Jibouti waxaanay kulan yeesheen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, marka laga yimaado nuxur qoraaleedkii kulankaasi labada Madaxweyne dhex maray ka sokow waxaa jiray qodobo la isla soo qaaday oo labada Madaxweyne ay si weyn iskula diideen, tusaale ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu usoo bandhigay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo in ay Jibouti soo food-saartay biyo la’aan baahsan isla markaana baadhitaano ay khubaro kala duwani ku samaysay dhulka ugu dhaw Jibouti biyo loo arkay dhulka buuralayda ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Jibouti, wuxuuna Geelle ka codsaday Siilaanyo in Somaliland ogolaato in ceelal biyood oo Jibouti biyaha siiya laga qodo dhulkaasi isla markaana lagu wareejiyo dhulkaasi sharci ahaan dhinaca dhulka Jibouti.
Qodobka labaad ee Madaxweyne Geelle hor dhigay Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxaa ka mid ahaa in mustaqbalka ceelasha batroolka iyo gaasta ee laga qodo dhulka banka gariyaad iyo xeebta waqooyi laga dhoofiyo dekedda magaalada Jibouti isla markaana loo qaybsado sidani Jibouti inay hesho saami dhan %30, shariikadaha qodaya inay hellaan %50, Somaliland inay hesho %20 taasi bedelkeeda ay Jibouti heshiis caalami ah u matali doonto Somaliland saxeexiisa shariikado waaweyn oo nooca Batroolka qoda ah maadama aan Somaliland la aqoonsanayn.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa labada qodoba isagoo hor taagan xilligaasi Madaxweyne Geelle ku gacan saydhay sida uu Halbeegnews u xaqiijiyey masuulkaasi xilka ka haya dawladda Jibouti oo khadka isgaadhsiinta internetka kula soo xidhiidhay shabakadda Halbeegnews.
Bishii November sannadkii 2011-kii Madaxweyne Geelle iyo Xukuumadiisu waxay bilawday olole balaadhan oo ay ku doonayso inay gebi ahaanba siyaasadda iyo siyaasiyiinta Somaliland gacantooda soo gashadaan, sida masuulkani Dawladda Jibouti ka tirsani u xaqiijiyey Halbeegnews waxaa loo magacaabay Guddi uu hogaaminayo Wasiirkii hore ee warfaafinta Cali Cabdi Faarax oo ay xubno ka ahaayeen Guddoomiyaha Baanka Jibouti Jaamac Maxamuud Xayd, Jibouti oo garwaaqsan in hannaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ka bilaabmay laga faa’iidaysan karo waxay isku qanciyeen in xubin ka mid ah xubnaha siyaasiyiinta Somaliland ee hogaanka Somaliland u hanqal taagaya si weyn loo maal-geliyo taasi bedelkeedna laga dhameeyo arrimahii Madaxweyne Siilaanyo Madaxweyne Geelle ku diiday iyo weliba qodobo dheeraad ah.
Kulankaasi guddida loo magacaabay waxaa la isla gartay in dhawr qodob la diyaariyo oo ay ka mid yahiin.
- In Guddidaasi ay soo xulaan shakhsi la isku hallayn karo lana aamini karo oo Somaliland hogaamiye ka noqon kara isla markaana fulin kara arrimaha Jibouti ka doonayso Somaliland.
- Si taasi loo maro waa in ay Jibouti bilawdo maal-gelin dhinaca dhaqaalaha ah oo ay siiso Somaliland si loo tuso ra’yul caamka Somaliland inay Jibouti doonayso Somaliland waxaana taasi la isla gartay in a) Shariikadda Sharaabka Jibouti laga furo Somaliland taasi oo maalkeedii ugu badna ay Jibouti bixisay b) in Siyaasiyiinta Somaliland gaar ahaana kuwa doonaya inay hogaanka dalka qabtaan loo carab laaladiyo si danaha Jibouti looga fushado tusaale ahaan in lagu tartan siiyo kii ay Jibouti maalgelin lahayd iyagoo og in dhaqaalo darro balaadhani ay siyaasiyiintaasi haysato c) waxaa la isla gartay in mid walba nimanka u tartamaya hogaanka Somaliland loo ballan qaado in ay ay Jibouti dhaqaale lacageed siinayso si ay hogaanka ugu guulaystaan, balse ka ugu fudud uguna dabacsan ee arrimaha laga dhamayn karo ugu danbaynta la maal geliyo.
Bishii December 2011-kii Guddoomiyaha Wakiiladda Somaliland wuxuu la kulmay Guddoomiyahii guddida loo magacaabay arrinta dhinaca Jibouti Cali Cabdi Faarax wakhti uu ka soo laabtay shir ay qoomiyadaha dalka Ethiopia ku lahaayeen gudaha dalka Ethiopia.
Kulankaasi ayaa ahaa kii ugu weyna ee dhex mara Cabdiraxmaan Ciro iyo Guddoomiyahii guddida loo xil saaray in ay hellaan shakhsiga ugu haboon ee Jibouti ka dhamaysan karto danaheeda Somaliland Cali Cabdi Faarax.
Sida Masuulka dawladda Jibouti ka tirsan oo la soo xidhiidhay Halbeegnews tibaaxayo kulankaasi wuxuu ka dhacay guriga Guddoomiyaha Bangiga Jibouti ee ku yaalla xaafadda guudka ee magaalada Jibouti waxaana kulankaasi ka soo qayb gallay xubno dawladda Jibouti ka tirsan oo ka soo jeeda beelaha Ciise, Isaaq iyo Gadabuursi kulankaasi waxay la hor dhigay Cabdiraxmaan Ciro seddexda qodob ee ay Jibouti doonayso in ay Somaliland u fuliso waxaana si badheedh ah loogu soo bandhigay Cabdiraxmaan Ciro qodobadaasi taasi bedelkeedana ay Jibouti dhaqaale ahaan maal-gelin doono Cabdiraxmaan Ciro inuu noqdo Madaxweynaha Somaliland.
Sida xogta Halbeegnews loo soo gudbiyey iftiiminayso Cabdiraxmaan Ciro jawaab kama uu soo celin arrintaasi wuxuuna si kal iyo laab ah u aqbalay inuu fullinayo arrimahaasi, maalintii xigtay waxaa Cabdiraxmaan Ciro gacanta laga saaray kharashkii ugu horeeyey ee maal-gelinta ahaa lacag dhan 150,000 dollarka maraykanka ah, ajandahah ugu weynina wuxuu ahaa in Ciro uu iska soo sharaxo xisbiga UCID balse arrinta maal-gelinta lacageed aan sinaba loola socodsiinin Guddoomiyahii UCID Faysal Cali Waraabe
Lacagaha Guddoomiyahii hore ee Bangiga Jibouti alla ha u naxariistee Jaamac Maxamuud Xayd usoo shubi jiray guddoomiye Cirro.
Bishii March waxaa ka bilaabmay gudaha Somaliland khilaafkii UCID ka dib markii garab uu Ciro watay isla markaana ku maal-geliyey dhaqaalahii uu Jibouti ka soo qaaday ay isku dhaceen Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe isku dhaca ugu weynina wuxuu ka yimid inuu Faysal Cali Waraabe si toos ah ugu wareejiyo Ciro Guddoomiyaha xisbiga iyo Musharaxnimada xisbiga taasi oo dhalisay in Maxkamadda sare ee Somaliland xukun ay rido una xukunto Faysal Cali Waraabe inuu yahay Guddoomiyaha xisbiga UCID.
Sawirkani Waxaa ka Muuqda Ciro iyo Cali Cabdi Faarax Kulankii ugu horeeyey
Bishii June sannadkani 2012 Guddoomiye Cirro waxaa looga furay Shariikadda Dahabshiil sanduuq xisaabeed lagu qariyey magac shariikad nooca dhismaha ah oo uu magaciisu ku qoranyahay sanduuq xisaabeedkaasi oo si joogta ah lacago ka badan $100,000 bil walba loogu soo xawilaayey iyadoo lacagtaasina ay soo xawilayeen masuuliyiin ka tirsan bangiga dhexe ee Jibouti.
Sida xogtani ay Halbeegnews ka heshay masuul ka tirsan dawladda dhexe ee Jibouti xaqiijinayso Guddoomiye Ciro waxaa saami %7 dhan loo siiyey wershadda sharaabka ee dhawaan laga furay duleedka berri ee caasimadda Hargeysa oo %100 wershadaasi ay mulkiyadeeda leeyahiin qoyska Madaxweyne Geelle balse lagu magacaabay Ganacsade Geelle Arab.
Sida dastuurka Somaliland xaqiijinayo waa khaayamul qaranimo mudan karta ciqaab xabsi daa’in ah haddii masuul siyaasadeed oo Somalilander ahi uu gacan dhaqaale oo shishiiye hello, Halbeegnews waxay usoo jeedinaysa haayadaha qarranka sida Sirdoonka, hanti dhawrka iyo xeer ilaalintu inay arrintani baaadhitaan ku sameeyaan taasi oo qaranimada iyo xuduudahii Somaliland khatar weyn ku ah looguna adeegayo dantii qarranka danno shisheeye oo dalal Somaliland la daris ahi ka faa’iidaysanayaan siyaasiyiinta damaca siyaasaddu gallay balse aan dan ka lahayn damiirkooduna siiyey inay damacooda gaarka ah u iibiyaan dannahii qarranka Somaliland.
Kala Soco Halbeegnews baadhitaano la xidhiidha arrimahani oo aanu ka wadno Jibouti iyo Somaliland la soco mar walba Halbeegnews
Xigasho Halbeegnews
Arabsiyo.net










