Hargaysa (AN) Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa munaasibad balaadhan ku qaabilay musharaxiin iyo taageerayaal ku soo biiray shalay
Taageerayaashan iyo musharaxiintan ku dhawaaqay inay ka tirsan yihiin xisbiga Ucid oo shalay munaasibad loogu qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay guddoomiyaha xisbiga Ucid, musharaxa madaxweyne ku xigeenka ee xisbigaasi, xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada, xoghayayaasha kala duwan ee xisbigaas, taageerayaal iyo dadweyne aad u tiro badan.
Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng: Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay munaasibadan ayaa
si diiran u soo dhaweeyey taageerayaashan, waxaanu sheegay inuu rajaynayo inuu xisbiga Ucid ay u soo baxaan xildhibaano dadka wax u qabta, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Waxaan jecelahay inay umadda Somaliland ee aan ka muuqan awoodda qaranka inay ka muuqdaan, dadka reer Saylac ee qaadacay doorashadii hore ee golaha wakiilada waxaan rajaynayaa inay wakhtigan si fiican uga qayb qaadan doonaan oo ay dhulkooda ku soo noqon doonaan”ayuu yidhi, Guddoomiyaha UCID oo intaasi raaciyey “Waaan soo dhawaynayaa musharaxa reer Saylac ee iska soo sharaxay xisbiga UCID, waxa kale oo aan soo dhawaynayaa musharaxa reer Gabiley ee isaguna iska soo sharaxay xisbiga, waxaanan leeyahay doorkan waa markii xisbiga UCID, waxaanan leeyahay dadka reer Somaliland, gaar ahaan reer Hargaysa toosa