Kenya oo xirtay 77 qof u dhashay China

0

Dowlada Kenya ayaa 77 qof oo kasoo jeeda China u xirtay arrimo la xariira basaasnimo iyo waliba falal ka dhan ah bangiyada iyo isgaarsiinta Kenya.

Booliiska ayaa sheegay in dadkan la qabtay ay kireysteen dhowr guri oo ku yaal goobo muhiim ah ee magaalada Nairobi, iyagoo guryahaasi dhigtay qalab badan oo Computero ku jiraan.

Kooxdan ayaa sidoo kale la sheegay inay guryahaasi ku sameenayeen Kaararka Bangiyada lacagta loogala baxo, iyagoo sidoo kale heystay qalab lagu jabsan karo Computerada dowlada, Bangiyada iyo goobaha lacagta lagala baxo.

Hawlgalkan ayaa bilowday Axadii lasoo dhaafay kadib markii uu qarxay computer ay raggan dhigteen guri aan ka fogeyn safaarada Maraykanka ee Nairobi.

Qaraxaasi computerka ayaa la sheegay inuu ku dhintay hal qof.

Xukuumada Kenya ayaa u yeeray Safiirka China si ay su’aalo uga weydiiso dadka China kasoo jeeda inay wax xiriir ah laleeyihiin dowlada China.
Wasiirka Arirmaha Dibada ee Kenya Amina Maxamed ayaa sheegtay in looga baahan yahay dowlada China inay kala shaqeyso Kenya baaritaanka socda.

Waxaa la filayaa in dhawaan ay Nairobi soo gaaraan koox ka socota Dowlada China oo ka qeyb qaadanaya baaritaanka ku socda muwaadiniintan u dhashay China oo la sheegay in intooda badan si qarsoodi ah kusoo galeen dalka Kenya.

Arabsiyonews.com
Nayrobi office