Banaanbaxyo markale ka dhacay Maraykanka

0

Waxaa khamiistii markale banaanbaxyo ka bilowdeen magaalooyinka waaweyn ee dalka Maraykanka kadib markii la fasaxay askari loo heystay dilka nin Madow oo uu ceego ku dilay bishii July magaalada New York, waa markii labaad oo la fasaxayo askari loo heysto inuu qof dilay.

Eric Garner oo ahaa nin madow ayaa bishii July la dilay xili ay booliiska isku dayayeen inay xiraan. Garner ayaa loo heystay inuu wadooyinka magaalada New York ku gadayey sigaar, waxaana ceego ku qabtay askari kamid ahaa ciidankii xirayey, wuxuuna u dhintay neefta oo ku dhegtay.

Filim laga duubay falkan ayaa muujinayey in Eric Garner uusan wax hub ah sidan isla markaana uu ku cel celinayey inay neefta ku dhegan tahay, balse askarigii falkan geystay ayaa la sheegay inaan wax dacwad ah lagu soo oogi doonin.

Qoyska Garner & Madowga Maraykanka oo cambaareeyey siideynta Askariga dilka geystay.
Qoyska Garner & Madowga Maraykanka oo cambaareeyey siideynta Askariga dilka geystay.
Waa markii labaad oo ay maxkamad Maraykanka ku taal fasaxeyso askari dil u geystay qof madow, iyadoo horey u taagneyd xiisadii ka dhalatay dilkii Michel Brown oo lagu dilay magaalada Ferguson ee gobalka Missouri.

Kumanaan dad ah ayaa isugu soo baxay magaalooyinka waaweyn oo ay ugu horeyso magaalada New York.

Xeer Illaaliyaha guud ee Maraykanka ayaa sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan dilka Eric Garner, sidoo kale dowladaha hoose ee New York ayaa sheegay inay baarayaan geeridii

Arabsiyonews.com
Hargeisa office