Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa xaqiijinaya in uu ka dhacay qarax xoogan oo uu fuliyey qof naftii hure oo ku miineysnaa walxaha qaraxa, Qarax ayaa la sheegay in uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira walow aan si dhab ah loo ogaan kerin khasaaraha.
Qof Goobjooge ah ayaa Horseed Media u sheegay in qaraxa uu ka dhacay Maqaaxi aan sidaa uga fogoyn xarunta Xawaalada Dahabshiil, Isagoo sheegay in uu san garanayn cida lala beegsaday qaraxan balse maqaaxida ay fariisan jireen masuuliyiinta maamulada ka jira Baydhabo iyo Ergooyinkii Baydhaba ku sugnaa.
Ilaahada Cid ka hadashay qaraxan oo faafaahin ka bixiye ma jirto, Sidoo kale waxaan weli la ogeyn cida ka dambaysa walow goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa ah maqaashi horay kooxda Al-shabaab qarax ku weerartay.
Arabsiyonews.com
Baydhabo ooffice








