Dagaal ka dhacay Jimcihii gobalka Kashmiir qeybta ay dowlada India ka arrimiso ayey ku dhinteen ugu yaraan 3 askari.
Weerarkan oo dhacay habeenkii Jimcaha soo galayey ayaa waxaa geystay maleeshiyo aad u hubeysan oo la sheegay inay isku dayeen inay xoog ku galaan xero saldhig u ahayd ciidamada madaafiicda ee dalka India
Xerada weerarka ka dhacay ayaa 10km u jirta xaduuda u dhaxeysa Pakistaan iyo India.
Dowlada India ayaa horey ugu eedaysay in dalka Pakistaan uu soo hubeeyo maleeshiyaadka iyo kooxaha ka dagaalama gobalka Kashmiir oo ay isku heystaan labada dal ee jaarka ah.
Arabsiyonews.com
Hargeiosa office








