Weeraro bambaano oo shalay (Khamiis) ka dhacay caasimada Baqdaad iyo magaalada Kirkuk ayey ku dhinteen dad ku dhaw afartan qof.
Weerarkii ugu horeeyey uguna xooga badnaa ayaa lala beegsaday makhaayado ku yaal xaafada Sadr ee Baqdaad, deegaankaasi ayey ku badan yihiin shiicada. Weerarkaasi ayey ku dhinteen 11 qof, waxaana ku dhaawacmay 25 kale.
Daqiiqado kadib ayey qaraxyo kale ka dhaceen suuqa weyn ee isla xaafadaasi Sadr, waxaana goobtaasina u dhintay 7 qof oo kale waxaana ku dhaawacmay 21 ruux.
Qadar yar kadib ayaa weerar sadexaad oo loo adeegsaday gaari bambaano lasoo saaray lagu qaaday xaafada Shaab oo ay Shiicada degen yihiin, halkaasi ayaa waxaa ku dhintay 3 qof waxaana ku dhaawacmay dad gaaraya 12.
Dhinaca kale weerar ka bambaano oo ka dhacay magaalada Kirkuk oo ku taal waqooyiga Ciraaq ayey ku dhinteen 16 qof.
Arabsiyonews.com
Hargeisa office








