Dagaal ka dhacay Grozny caasimada Checnya DECEMBER 5, 2014

0

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay iska horimaad shalay (Khamiis) ka dhacay magaalada Grozny oo caasimad ah u maamulka Checnya ee koonfurta Ruushka.
Weerarkan oo ay soo qaadeen kooxo ka tirsan mucaaridka maamulkaasi ayaa burbur u geystay xarunta telefishinka iyo jaraa’idka ee magaalada Grozny.

Iska horimaadka ayaa ahaa mid xoogleh waxaana la sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan 10 askari.

Maleeshiyaadka weerarkan fuliyey ayaa kamid ah koox islaami ah oo kasoo horjeeda maamulka gacansaarka lalahe Ruushka ee xiligan ka arrimiyo dhulka Checnya.

Grozny-041214-2

Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa sheegay in kooxaha weeraradan geystay ay taageero ka heystaan gacmo shisheeye
Weerarkan ayaa kusoo beegmay saacado kahor khudbadii sanadlaha ahayd ee Madaxweynah Ruushka soo jeedin jiray.
Arabsiyonews.com
Hargeisa office