Puntin oo eedeeyey Maraykanka iyo Reer Galbeedka

0

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin oo khamiistii shalay soo jeediyey khudbadiisa sanadlaha ayaa ku eedeeyey Maraykanka inuu ka shaqeenayo burburinta wadanka Ruushka.
Puntin ayaa sheegay in Maraykanka iyo xulafadiisa ay doonayaan inay wadanka Ruushka u burburiyaan una kala qeybiyaan sidii ku dhacday wadankii hore loo oron jiray Yuguslafiya, balse arrintaasi ay ka hortageen.

Hogaamiyaha Ruushka ayaa sheegay in xiisada ka taagan Ukraine aysan ahayn mid sabab u ah weerarka ku socda Ruushka, balse ay tahay marmarsiinyo ay reer Galbeedka ku doonayaan inay ugu soo gabadaan colaad ay u hayaan wadanka Ruushka.

Wuxuu Puntin balan qaaday in xukuumadiisa ka shaqeyn doonto sidii sare loogu qaadi lahaa awooda militari iyo dhaqaale ee Ruushka.

Arabsiyonews.com
Hargeisa office