Olole Aqoonsiga Somaliland Loogu Waydiinayo Australia Oo Bilaabmay

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Muwaadiniinta Somaliland ee ku nool dalka Australia iyo guud ahaan daafaha Caalamka, ayaa bilaabay olole ay Dawladda Australia kaga codsanayaan Inay Somaliland u aqoonsato Dal Madax-banaan

Ololaha lagu dalbanayo In Australia ay Aqoonsi siiso Somaliland, ayaa waxa laga bilaabay Warbaahinta Bulshada, waxaana Muwaadiniinta iyo Cid kasta oo taageersan Somaliland kaga qayb-qaadanayaan Internet-ka, iyagoo codsigooda ku gudbinaya.

Ololahan oo Toddobaadkan bilaabmay, ayaa Muwaadiniinta si firfircoon u wadaan.

Codsigan waxa bilaabay nin lagu Magacaabo Drew Pavlou, kaasi oo gacan ka helaya Muwaadiniinta Somaliland, waxaanu maqaal dheer oo uu raaciyey ololahan ku sheegay in Australia leedahay Taariikh dheer oo ku salaysan Inay taageerto Dinuqraadiyadda iyo Dalalka adeegsada ama ku dhaqma, sidaa darteed ay Dawladda Australia ay rejo ka qabaan inay tixgeliso dalabkooda.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office