Hargeysa (Arabsiyo) – Ilhaan Cumar oo 27-kii bishii dhamaatay hadal ka jeedisay xaflad ka dhacday magaalada Minneapolis, ayaa sheegtay hadal dhaliyey muran.
Ilhaan Cumar oo ku jeesjeesaysa heshiiska badda ee Somaliland la gashay Itoobiya isla-markaana taageero u muujinaysa Dawladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in inta ay ku jirto Congress-ka dalka Maraykanka aanay cid kale qaadan karin Badda Soomaalida isla-markaana aanu Maraykanku ku taageerayn oo Dawladda Maraykanka qabanayso wixii ay u tilmaanto inay qabato.
Ilhaan Cumar waxa kale oo ay sheegtay in Soomaaliya ay wadnaheeda ku taallo oo ay muhiimadda koowaad u tahay marka loo eego Maraykanka oo u dhaaratay isla-markaana Baarlamaankiisa ka mid tahay.
Hadalkaasi, ayaa ka cadhaysiiyey shacabka Maraykanka, Madaxdooda siyaasadda, Ganacsatada iyo Saxaafadda, kuwaasi oo cambaareeyay dhawaaqeeda.
Dadka ka fal-celiyey hadalka Ilhaan oo badan waxa ka mid ah Elon Musk oo ah ninka xilligan ugu taajirsan adduunka isla markaana Maraykan ah, balse asal ahaan kasoo jeeda Koonfur Afrika.
Elon Musk oo ka fal-celiyey muuqaalka khudbaddeeda oo Af-ingiriisi loo rogay, ayuu qoray “Maraykanka ama dal kale, mid dooro”.
Qoraal kale wuxuu ku leeyahay isaga oo ka fal celinaya hadalkeeda la tarjumay “Uma eka in ay daacad u tahay Maraykanka”. Ayuu qoray Elon Musk
Hadallada Ilhaan Cumar ee ku saabsan khilaafka badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kiciyey mawjado weerarro dhanka afka ah oo iyada ka dhan ah.
Hadallada hore oo ay Ilhaan ka sheegtay meelo fagaare ah, ayaa sidoo kale la soo turjumay isla-markaana qayb ka noqday hubka loo adeegsanayo, maaddaama oo ay khalad weyn ka gashay Maraykanka.
Hadalladan ayey dadka iyada dhaliila u arkaan kuwo muujinaya in ayna dalka Maraykanka daacad u ahayn taas badalkeedana ay Soomaaliya daacad u tahay.
Sidoo kale, Garyaqaanka Aqlabiyadda Aqalka Wakiilada ee Maraykanka Tom Emmer, ayaa isaguna ku baaqay in Guddiga Anshaxa ee Aqalka Wakiilada ay baadhitaan ku sameeyaan Xildhibaan Ilhaan Cumar.
Emmer waxa uu Ilhaan ku eedeeyay “inay jeedisay hadalo naxdin leh oo ay ku muujisay sida ay daacadda ugu tahay danaha Soomaaliya, waxaanu warqad u diray Guddoomiyaha Guddiga Anshaxa Michael Guest iyo Xildhibaan Susan Wild.
Waxa uu sidoo kale ugu baaqay Ilhaan Cumar, oo ah Soomaaligii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo ka tirsan Congress-ka, inay isku casisho hadalkaas darteed.
Gar-yaqaanku waxa kale oo uu sheegay in hadalka Ilhaan uu fadeexad ku yahay dadkii soo doortay “Falladii naxdinta lahayd ee Ilhaan Cumar, waxay dharbaaxo weji kaga dhacday ku yihiin reer Minnesota oo u doortay inay u adeegto, waxayna xadgudub toos ah ku tahay dhaartii xafiiska. Waa inay isku casishaa ceeb darteed..”Emmer ayaa ku soo qoray X.
Hadalladaas mid la mid ah waxa sheegtay Rooda J. Cilmi oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo ah gobol ku teedsan gacanka cadmeed.
Wasiir ku-xigeenku waxay Congress-ka iyo Guddiga ay ka tirsan tahay ugu baaqday inay Tallaabo ka qaadaan Ilhaan, iyadoo sidoo kale Dawladda Somaliland tuhunsan in Ilhaan Cumar ay Soomaaliya u gudbisay qodobbada heshiiska Iskaashiga Maraykanka ee ay Madaxweyne Biixi iyo Guddiga difaaca ee Congress-ku ka wada-hadleen bishii March ee sanadkii 2023, ka hor intii aan la ansixin, xogtaa ay gudbisayna sababtay dagaalladii ka Laascaanood.
Intaas oo keliya maaha dadka Maraykanka ah ee ka hadlay Kiiska Ilhaan, balse waxa kale oo ka hadlay Ku-xigeenkii hore ee Ergayga Maraykanka u qaabilsanaa Afrika Ambassador Tibor Nagy, kaasi oo bilowgii arrintan sheegay in Hadalka Ilhaan Cumar uu horseedi doono in Cod-bixiyeyashu ay ka baydhaan marka la gaadho doorashada Congress-ka ee bisha November ee 2024.
Sidaas oo kale, Guddoomiyaha Gobolka Florida ee dalka Mareykanka, Ron DeSantis, ayaa isaguna si kulul uga hadlay dhawaaqa Xildhibaan Ihaan Cumar, waxaanu ku baaqay in Ilhaan lagala noqdo dhalashada Maraykanka isla-markaana la tarxiilo “Ka erya Congress-ka, ka saar dalka oo masaafuriya..” ayuu yidhi Don DeSantis
Arrintan oo kor u sii kacaysa, ayaa hadda u gudubtay marxalad kale oo xaasaasiya, waxaana Ilhaan lagu eedeeyay inay Basaas u tahay dal shisheeye, iyadoo ka mid ah Sharci-dejinta dalka Maraykanka.
Xildhibaan Marjorie Taylor Greene oo Aqalka Wakiillada Maraykanka ugu jirta Xisbiga Jamhuuriga, ayaa soo saartay qaraar dhaleecaynaya hadalkii ka soo yeedhay Ilhan Cumar oo qiratay inay waddan shisheeye danihiisa uga shaqayso gudaha dalka Maraykanka.
Xildhibaan Marjorie Taylor waxa ay Ilhan Cumar ku tilmaantay Qof khiyaameeyey dastuurka dalka Maraykanka iyo xilka ay u dhaaratayba “Waxay si cad u qiratay siday dedaalka ugu jirto inay ka shaqayso danaha Soomaaliya iyadoo adeegsanaysa mansabka ay ka hayso Maraykanka. Ilhaan Cumar waxay daaha ka qaaday inay tahay wakiil shisheeye oo ka wakiil ah dowlad shisheeye,” sidaas waxa tidhi xildhibaan Marjorie Taylor oo Golaha Wakiillada ee Congress-ka Maraykanka horkeentay Qaraar ka dhan ah Ilhan Cumar.
“Haddii go’aan ka gaadhisteedu aniga igu xidhnaan lahayd, Ilhaan Cumar intaan xilka ka qaado ayaan ka musaafurin lahaa Mareykanka, waayo waxay ku hadashay wax aad looga xumaado,” ayey hadalkeeda raacisay Xildhibaan Marjorie Taylor Green oo laga soo doortay Gobolka Georgia.
Qaraarkan ayaa la filayaa in la horgeeyo Aqalka Wakiillada si loogu codeeyo, waxaanay xildhibaanku ka dalbatay mudaneyaasha Aqalka inay u codeeyaan Qaraarkan lagu cambaareynayo hadalka Ilham Cumar.
Qaraarka Xildhibaan Green oo ay Aqalka Wakiillada ee Congress-ka ka wada-tirsan yihiin Ilhaan Cumar, ayaa ka mid ah dhawaaqyadii u dambeeyey ee lagu dalbanayo xil-ka-xayuubin lagu sameeyo Ilhaan oo hadalkeedu buuq badan ka abuuray gudaha dalka Maraykanka.
Sidaas kale, Warbaahinta Maraykanka ayaa doodo badan ka qabtay dhawaaqa Ilhaan ee lidka ku ah sharciga Maraykanka iyo heshiiska Itoobiya ku aqoonsanayso Somaliland isla-markaana baddeeda ay saldhigga Ciidan kaga samaysanayso.
Warbaahinta The Rubin Report, SK, CBS iyo kuwo kale, ayaa falloyin ay cambaareeyen Ilhaan waxay ku sheegeen in hadalkeedu uu dhaawac ku yahay Sumcadda Xildhibaannada Congress-ka dalka Maraykanka, haddii aanay Tallaabo ka qaadin.
Ilhan Cumar oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ayaa laga soo doortay Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, iyadoo markii hore 1995-kii ka haajirtay Soomaaliya oo ay asal ahaan ka soo jeeddo.









