Maraykanka Oo Loogu Baaqay Inay Somaliland Ka Taageerto Dagaalka Al-shabaab

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Somaliland, ayaa Maraykanka ku canaanatay inaan sidii la rabay aanu ula dagaalamin kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, xilligana ay muuqato inay ku soo fidayso dhanka Somaliland.

Somaliland, ayaa aaminsan in la joogo xilligii uu Maraykanku gacan ka siin lahaa La-dagaalanka Argagixisada Al-shabaab, maaddaama oo khatarteedu soo kordhayso isla-markaana la sheegay inay Toddobaadkan boqollaal dagaalameyasheeda ah keentay Laascaanood oo ah xarunta gobolka Sool.

Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka (SPP) Maxamed Ducaale oo qoraal ku baahiyey bartiisa X ama Twitter-ka, ayaa si toos ah farriin ugu diray Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Dawlada Maraykanka Antony Blinken.

Guddoomiye Maxamed Ducaale oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Taageerada Mareykanka ee Soomaaliya ee ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab ayaa noqonaysa mid aan faa’iido lahayn oo la marin habaabinayo.”

Maxamed Ducaale waxa kale oo uu sheegay “Waxaa la joogaa waqtigii Xoghayaha dibedda ee Maraykanka Antony Blinken uu qiimeyn lahaa ballan-qaadyada Mareykanka ee la dagaallanka argagixisanimada, dib u habayna loo samayn lahaa, si wax loo taro Somaliland..” ayuu yidhi.

Dhanka kale, Dawladda Somaliland, ayaa isha ku haysa dhaqdhaqaaqyada kooxda Al-shabaab, taasi oo la soo weriyey inay doonayso inay isku fidiso Gobollada bariga Somaliland, gaar ahaan bariga Sanaag.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office