Addis Ababa (Arabsiyo) – Maxkamadda sare ee Dawladda Federaalka Itoobiya, ayaa soo saartay Liis ay ku qoran yihiin 47 magac oo ah dadkii ka tirsanaa maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya
Dadkaas oo Cabdi qudhiisa uu ku jiro ayey maxkamaddu ku sheegtay qoraalka in loo kala qaaday 3 qaybood oo kala ah kuwa dambiyo lagu waayay oo la sii daayay, kuwa ka maqnaa dalka oo kiiskoodu yaalay, kuwaasoo iyagana la laalay Kiiskoodii oo aan wax dambi iyo Cadaymo loo hayn.
Waxaa kale oo liiska ku jira dad loo Mudooyeyay Inay ballan leeyihiin oo ay is difaacaan, Maxkamadana ka soo muuuqdan doona dhawaan.
Dadkaas waxaa ka mid ah Cabdi Maxamuud Cumar iyo shan xubnood oo kale.
Dadka kiiskooda la laalay waxaa ka mid ah Axmed Ilkacase oo si KMG ah madaxweyne u noqday xilligii Cabdi Maxamuud Cumar ka dib.