Sirdoonka Itoobiya Oo Weli Baadhaya Garaadkii Dagaalka Laascaanood Abuuray

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Warar dheeraad ah, ayaa ka soo baxaya Xaaladda uu ku sugan yahay Garaad Jaamac Garaad Cali oo muddo 2 Toddobaad ah ay baadhis ku wadaan Ciidamada Sirdoonka ee dalka Itoobiya.

Wararka halkaa ka soo baxaya, ayaa sheegaya in Ciidamada Sirdoonka Itoobiya ay Garaad Jaamac ka qaadeen Baasaaboor Maraykan ah oo uu sitay.

Garaadka oo weli baadhis ku socoto, ayaa meel kasta qaylo-dhaan u dirtay, waxaana Dadka u gurmaday ka mid ahaa Wasiirka arrimaha diebdda Somaliya iyo Masuulka Safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa u qaabilsan arrimaha Ciidanka ee loo yaqaano Military attache.

Laakiin, waxa la sheegay in Sirdoonka Itoobiya uu diiday dhammaan Dadkii Garaadka haybta kula socday ee arintaa isku dayey inay furdaamiyaan, waxaana looga digay inay arrimaha amniga faraha la galaan.

Warka ayaa intaa ku daraya in Safaarada Dawladda Maraykanka oo uu Garaad Jaamac la xidhiidhay u sheegtay inaanay baadhida Dalka hadda uu joogo ee Itoobiya aanay waxba ka qaban karin, laakiin haddii Maxkamadda la geeyo ay Qareen u qaban karto.

Waxa xusid Mudan, In Sirdoonka Itoobiya ay Garaad Jaamac si xidhiidh ah ugu wadaan baadhista, wallow ay u ogolaadeen in ciddii uu doono uu kulamo la yeelan karo, laakiin aanu ka bixi karin Magaalada Addis Ababa.

Ogolaanshahaas, ayaa keenay in Garaad Jaamac oo aan Addis Ababa ka bixi karin uu kulamo la yeesho ciddii uu doono isla-markaana uu ka qayb-galo Xaflado ay halkaa ku qabsadeen dadka ay haybta wadaagaan.

Kulamadaas oo sawirradooda la baahiyo, ayuu Garaad Jaamac u adeegsadaa kuwo uu ugu laab-qaboojiyo dadka la fikirka ee Moogan in Sirdoonka Itoobiya ku xanibeen Addis Ababa isla-markaana baadhis ku hayaan.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office