Maraykanka Oo $ 6 Billion U Fasaxay IRAN

0

USA (Arabsiyo) – Dowladda Mareykanka, ayaa qaaday tallaabo jidka u xaadhaysa in la sii daayo shan muwaadin oo u dhashay dalka Mareykanka, kuwaasi oo ku xidhan dalka Iran.

Washington ayaa u ogolaatay in dalka Iran loo fasaxo lacag gaadhaysa illaa $6 billion oo dollar oo kaga xanniban dalka Koonfurta Kuuriyada, iyada oo lacagtaas loo wareejinayo dalka Qatar.

Lacagtan ayaa la xannibay ka dib markii uu Mareykanka ku soo rogay cunaqabatayn dhaqaale dalka Iran.

Sidoo kale waxaa heshiiskan qayb ka ah, in Maraykanku ay sii daayaan shan muwaadin oo u dhashay dalka Iran oo ku xidhan gudaha dalka Mareykanka.

Xoghayaha arrimaha debedda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa toddobaadkii hore qalinka ku duugay, amarka lagu fasaxayo lacagtaas, bil ka dib markii masuuliyiin ka kala socota Mareykanka iyo Iran, ay mabda’iyan uga heshiiyeen arrintan.

Go’aanka lagu fasaxayo lacagtan, lalama socodsiin aqalka wakiillada ee Mareykanka, wixii ka horreeyey maalinimadii Isniinta, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP.

Nuxurka heshiiska ayaa hore loo shaaciyey, sidoo kale waa la filan karayey inuu soo baxayo go’aanka la xidhiidha, in lacagtaas la fasaxo.

Hase ahaatee waxaa markii ugu horraysay uu maamulku sheegay inay heshiiska ku jirto in la sii daayo shan Iraaniyiin ah. Lama magcaabin maxaabiista reer Iiraan.

Tallaabadan ayaa laga yaabaa in maamulka Biden uu kala kulmo dhaleecayn uga timaadda xisbiga Jamhuuriga.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office