Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Laascaanood Iyo Khasaaraha Huwanta

0

Laascaanood (Arabsiyo) – Dagaal Culus oo qaatay saacado badan, ayaa Maanta ka dhacay dhowr aag oo Laascaanood ah.

Dagaalkan ayaa bilaabmay, ka dib markii Maleeshiyaadka Huwantu ay weerarreen fadhiisimada Ciidamada Qaranka Somaliland ee bariga Laascaanood, gaar ahaan fadhiisimada Maraaga.

Dagaalkan oo markii dambe ku Fiday aagag kale, ayaa waxa khasaare laxaad lihi ka soo gaadhay Maleeshiyaadka Huwanta ah ee weerarka soo qaaday.

Wararka Arabsiyo News halkaas ka heshay, ayaa sheegaya in Ciidamada Qaranka Somaliland dhirbaaxo xoog leh ku dhufteen Maleeshiyaadka Huwanta ah.

Ciidamada Qaranka, ayaa gaadiid dagaal ka gubay Maleeshiyaadka, kana qabtay Tobanaan Maxbuus oo dagaalka qayb ka ahaa, waxaana jira Rag badan oo dagaalka kaga dhintay Maleeshiyaadka Huwanta.

Maleeshiyaadka oo dagaalka ku jabay, ayaa si hal-haleel ah dib ugu yaacay Magaalada Laascaanood, waxayna Ciidanka Qaranka gudaha u galeen laascaanood, illaa Aagga hoteelka Xamdi.

Wararkii u dambeeyay ee halkaa ka imanaya, ayaa sheegaya in Tirada dhimashadu Huwantu ka badan tahay illaa 60, kuwaasi 45 ka mida maydadkooda la geeyay Gambadhe, halka 15 maydkooda ay Huwantu ula carartay waadhka wayn ee Kalabaydh.

Tirada dhawaca dhinaca Maleeshiyaadka ayaa kor u dhaafay 100 dagaalame.

Waxa la sheegay in Gaadiidka huwanta laga gubay dhan yihiin illaa 11 tikniko ah halka laba gaadhi oo Tikniko ah laga qabtay.

Dagaalka Maanta dhacay oo bilaabmay Abaaro 10-kii Subaxnimo, ayaa daba socday dagaal xalay fiidkii ka dhacay galbedka Magalada Laascaanood, kaasi oo Maleeshiyaadka lagaga qabsaday fadhiisinkii ay weerarka ka ka soo qaadeen.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office