Laascaanood (Arabsiyo) – Dagaal, ayaa Caawa fiidkii ka dhacay dhanka Galbeed ee Magaalada Laascaanood.
Dagaalka ayaa bilaabmay, ka dib markii Maleeshiyaadka Huwantu isku dayeen inay weerar gaadmo ah ku qaadaan fadhiisimada Ciidamada Qaranka ee duleedka galbeedka galbeedka Magaalada Laascaanood, gaar ahaan Aagagga ku dhow Garoonka kubadda Cagta ee Cabdi Bile Cabdi.
Waxa la sheegay in Ciidamada Qaranka oo heegan buuxa ku jira, kana sii war qabay Weerarkaasi, ayaa dhirbaaxo culus ku dhuftay Maleeshiyaadka Huwanta ee weerarka soo qaaday, waxayna soo gaadhsiiyeen khasaare laxaad leh.
Sarkaal ka mid ah Ciidamada Qaranka oo dagaalkan ka qayb-qaatay, ayaa sheegay in Huwantu weerarreen guutada deggan aagga ku dhow garoonka Kubadda Cagta Laascaanood, laakiin guuto deggan meel aan halkaa ka fogayn ay hujuumeen, taasi oo keentay inay deg-deg dib ugu yaacaan gudaha Laascaanood oo ay markii hore weerarka ka soo qaadeen.
Warka ayaa intaa ku daraya, in Maleeshiyaad wata 3 gaadhi ay ka soo goosteen kooxaha Huwanta ah, iskuba soo dhiibeen Ciidamada Qaranka.
Maleeshiyaadka soo goostay, ayaa intii aanay soo wada gaadhin Ciidamada Qaranka, wax hal gaadhi ka gubay kooxaha Huwanta ah ee ay hore uga tirsanaayeen.
Ciidanka soo goostay iyo labada gaadhi ee u soo hadhay, ayaa waxa Ciidamada Qaranku u gudbiyeen Taliyaha qaybta 12-aad ee Ciidamada Qaranka JSL Mahad Cambaashe Cilmi, si baadhitaan loogu sameeyo ujeeddooyinkooda.
Dagaalka Caawa, ayaa imanaya Hal Maalin ka dib, dagaal Axaddii ka dhacay Laascaanood, kaasi oo ay Huwanta kaga dhinteen illaa 18 Nin, kagana dhaawacmeen ku dhawaad 30, isla-markaana lagaga gubay laba gaadhi oo uu mid saarnaa qori Suug ahi.
Dagaalkaa dadka Huwanta kaga dhintay, waxa ka mid ahaa Nin lagu Magacaabi jiray Ina Coofle oo ka mid ahaa Saraakiisha hoggaamiya Maleeshiyaadka Huwanta.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office









