Burco (Arabsiyo) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in khilaafaadka jira lagu sixi karin colaad.
Madaxweynaha Somaliland oo khudbad ka jeediyey Jaamacadda Burco oo ay Maanta ka qalin-jebiyeen Arday ku dhow lix boqol, ayaa sheegay in Ilaalinta Nabadda ay Dawladdu u marayso shareecada Islaamka.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay In qisaastu tahay waxa keliya ee lagu suulin karo dilalka ka dhaca dalka, loona baahnayn in Qofka gacan ku-dhiiglaha ah ay qariyaan ama taageeraan Dadka uu ka dhashay.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka hadlay dul-qaadka looga baahan yahay Masuuliyiinta Xukuumadda marmarka xaaladuhu adkaadaan.
Hadalka Madaxweynaha ee la xidhiidha qisaasta, ayaa loo fahmay Dablaydii dhawaan Deegaanka Go’da yar dilay 9-ka Askari ee Booliska.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office









