24 Tahriibayaal Ah Oo Ku Dhintay Xeebaha Dalka Jabuuti

0

Jabuuti (Arabsiyo) – In ka badan 24 qof oo tahriibayaal ah ayaa la la’yahay waxaana la rumeysan yahay in ay ku dhinteen doon ku degtay xeebaha dalka Jabuuti.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa ka dhacday habeenimadii Khamiista, Agoosto 17-keedii, Godoria, oo u dhow magaalo-xeebeedda Obock, ee waqooyi-bari Jabuuti.

Sida laga soo xigtay muhaajiriinta la soo badbaadiyay ku dhawaad ​​60 muhaajiriin ah ayaa saarnaa Doonta, oo ay ku jiraan 18 haween ah iyo ugu yaraan 2 carruur ah oo da’doodu ka yar tahay 18 sano jir.

26 qof oo tahriibayaal ah ayaa la soo badbaadiyay, waxaana ilaa hadda la helay meydadka 11 qof.

Waxaa weli socda baadi goobka dad nool iyo samatabixin ay wadaan maamulka Jabuuti.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office