Saylac (Arabsiyo) – Wefti Wasiirro ah oo ka socda Dawladda Jamhuuriyada, ayaa Maanta gaadhay Magaalada Saylac ee Xarunta Gobolka Selel ee Somaliland.
Weftigan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Diinta iyo Awaafta Jabuuti Muumin iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Jabuuti Siciid Nuux, ayaa waxa Saylac ku soo dhaweeyay Badhasaabka Gobolka Selel ee Somaliland Mawliid iyo Masuuliyiin kale.
Weftigan oo ka mid ah Guddiga dib u dhiska Masaajidka Taariikhiga ah ee Qibla-teynka ee ku yaalla Magaalada Saylac, ayaa tagitaankooda halkaas ka hadlay Wasiirka gaashaandhigga Somaliland Maxamuud Caateeye (Fariid).

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland oo qoraal ku baahiyey Bartiisa Twitter-ka, ayaa sheegay inuu u Mahad-naqayo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku yidhi “Guddida dib u dhiska Masjid qiblateynka ee Saylac oo ay weheliyaan Wefti culus oo reer Djibouti ah, sida Wasiirka Diinta & awqaafta Djibouti Wasiir Muumin iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Djibouti Wasiir Siciid Nuux. Waxaan aad ugu mahadnaqayna Madaxweyne Mudane Ismaaciil Cumar Geelle..”









