Laascaanood (Arabsiyo) – Kooxaha Nabad-diidka ah ee ku sugan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ee Somaliland, ayaa wada abaabul dagaal ay ku qaadaan Fadhiisimada Ciidamada Qaranka ee ku yaalla duleedka Laascaanood.
Kooxaha Huwanta ah, ayaa abaabulka bilaabay, ka dib dil Shalay Magaalada Laascaanood loogu geystay Alle ha u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye oo ka mid ahaa suugaanyahannada Soomaalida ee caanka ah.
Dilka Abwaanka oo la ogaaday inay geysteen kooxaha Huwanta ah oo la sheegay inay ka cadhoodeen Aragti uu Abwaanku ka qaatay kooxahaasi, ayaa xilligan abaabulaya dagaal ay ku qaadaan Ciidamada Qaranka, si ay iskaga jeediyaan indhaha dadka taageera oo xilligan soo fahmaya dhegaraha kooxahaasi Huwanta ah.
Sidoo kale, abaabulkooda dagaal ayaa waxa qayb ka ah Maamulka Puntland, kaasi oo lahayn awood uu keligii ku waajaho Ciidamada Somaliland, balse doonaya inuu ka faa’idaysto kooxaha kala aragtida duwan ee Laascaanood ku sugan.
Waxa la sheegay in Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) uu Maanta halkaa soo gaadhsiiyey Ciidamo wata illaa 24 Tikniko ah, kuwaasi oo qayb ka noqonaya dagaalka abaabulkiisu socdo.
Axmed-karaash ayaa inta aanu soo dirin Maleeshiyaadka wata 24-ka gaadhi, wuxuu ka hadlay dilka Abwaan Jaamac Kadiye, waxaanu sheegay in aanay Tacsiyadeyn, balse ay u aari doonaan, taasi oo loo fahmayo inuu qorsheeyay dagaalka uu abaabulkiisu uu Laascaanood ka socdo.
Dadka ku sugan Laascaanood, ayaa saadaaliyey in dagaalka uu abaabulkiisu socdo uu qarxi doono 24-kii Saacadood ee soo socdo.
Laakiin, Ciidamada Somaliland oo ka war haya in Puntland tahay cidda ka dambaysa dagaalka laascaanood, ayaa isha ku haya dhaqdhaqaaqa kooxahaasi.
Maleeshiyaadka Huwanta iyo kuwa Puntland ee isgarabsada, ayaa dagaal kasta oo ay la galaan Ciidamada Qaranka ku jaba isla-markaana khasaare weyn ka dhaxla.









