IRAN Oo Dib U Eegaysa Xeerka Waajibinaya Xijaabka

0

IRAN (Arabsiyo) – Mudanayaasha baarlamaanka Iran ayaa kulan albaabadu u xidhan yihiin ugu codeeyay in dib loo eego sharciga xijaabka ee muranka dhaliyay taasoo la macno ah in ayna jiri doonin dood dadweyne oo arrintan ku saabsan.

Sharciga xijaabka iyo dhowrsanaanta ayaa ciqaab adag ku soo rogaya haweenka ku guul darreysta in ay xijaabka ku xirtaan gudaha Iran.

Waxaa la diyaariyay iyadoo laga jawaabayo mudaaharaadyo waaweyn oo bilo socday oo ka dhashay dhimashada haweenay xabsiga lagu hayey oo lagu eedeeyay inaysan si sax ah u xiran xijaabka.

Baarlamaanka ayaa hadda awood u yeelan doona inuu ansixiyo saddex illaa shan sano si loo tijaabiyo sharcigan.

Marka tijaabadu bilaabato, xildhibaanadu waxay markaas awood u yeelan doonaan inay beddelaan sharciga, ugu dambayntiina waxay ka dhigayaan sharci joogto ah.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa ugu baaqay qodobka 85-aad ee dastuurka Iran inuu horumariyo sharciga, kaasoo u ogolaanaya guddiga baarlamaanka inuu dib u eegis ku sameeyo hindise sharciyeedka iyadoo aan laga doodin.

Codeynta oo ka dhacday fadhi furan oo baarlamaanka ah ayaa waxaa u codeeyay 175 mudane, halka 49 ay diideen.

Xubin ka tirsan baarlamaanka Mohammad Rashidi ayaa sheegay in mudanayaashu ay u codeyn doonaan si loo go’aamiyo mudada loo dhgaqan galinayo “si tijaabo ah”.

Si kastaba ha ahaatee xildhibaan Gholamreza Nouri-Qezeljeh ayaa ka digay in tilaabadan ay la timid “khatar”, gaar ahaan maadaama qeyb weyn oo sharciga ka mid ah uu diiradda saarayo “dambiyeynta iyo ciqaabta” xadgudubyada la xiriira xijaabka.

 

Arabsiyonews.com/ Hargeisa Office