Hargeysa: Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Askar Shirqool Lagu Dilay

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Magaalada Hargeysa, waxa Maanta Magaalada Hargeysa aas Qaran loogu sameeyay 9 Askari oo ay dhawaan jid-goyn ku dileen Dablayda diiddan doorashada Ururrada siyaasadda ee ku jirta Buurta Gacan-libaax.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka qayb-galay Aaska Askartaasi, ayaa ka hadlay qaabkii ay u dhinteen, waxaanu sheegay in Ciidankaa la shirqoolay, sidaa darteedna laga shaqaynayo sidii sharciga loo horkeeni lahaa Raggii dilkaa u geystay Ciidamada ka shaqaynayey amniga Qaranka.

Madaxweynuhu wuxuu su’aal-geliyey waxa isku soo beegay dhaqan-gelinta wakhtiga doorashada ururrada iyo Shirqoolka lagu laayay Ciidamada Booliska.

Hadalka Madaxweynaha, ayaa ku soo beegmaya xilli Dablayda diiddan doorashada Ururrada siyaasadda ee ku dhuumaalaysanaya Buurta Gacan-libaax ay soo dirayaan farriimo hanjabaad ah, iyagoo dilka Askartii ay jid-gooyada u galeen u arka guul ay ka gaadheen hadafkooda, taasina waata Xukuumadda iyo laamaha amaanka ku khasabtay inay gaadhaan go’aan ah in sharciga la mariyo.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office