Mali (Arabsiyo) – Dawladda Maali ayaa hakisay bixinta fiisaha muwaadiniinta Faransiiska ee safaaradda ay ku leedahay Paris, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalkaasi.
War qoraal ah oo ay soo saartay ayay ku sheegtay in tallabadaasi ay ahayd mid falcelin ah kadib markii ay “la yaabtay” in Faransiisku u aqoonsaday Mali inay ku jirto “aagga cas” sababo la xidhiidha xiisadaha gobolka oo xooggan.
Faransiiska ayaa horraantii toddobaadkan hakiyay bixinta fiisaha, wuxuuna xidhay xaruntii fiisaha ee safaaradda uu ku leeyahay caasimadda Mali ee Bamako.
Faransiiska ayay hore isku hayeen Dalalka Niger iyo Burkino Faso, kuwaasi oo uu hore u gumaystay.









